Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta Agoonta ee Warta nabadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane; Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish),  ayaa Maanta xariga ka jaray dib u howlgelinta xarunta daryeelka Carruurta dayacan iyo kuwa Agoonta ah ee Degmada Warta Nabadda.

Xarig jarka kadib ayaa Duqa Magaalada Muqdisho mudane; Cumar Filish waxa uu kormeeray qeybaha ay xaruntani ka kooban tahay ee loogu talagalay in lagu daryeelo Caruurta agoonta ah iyo kuwa dayacan si ay u helaan fursad lamid ah kuwa ay Waalidiintooda nool yihiin.

Dhanka kale , Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, mudane; Cumar Filish,  ayaa digniin u diray Dadka sida qaldan u isticmaala Dhulalka danta guud ee Bulshada loogu adeegi lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.