Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay ficilkii lagu dilay Almaas Elman

Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxay si adag u Cambaaraynaysaa ficilka lagu dilay Almaas Elman oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Marxuumad Almaas Elman waxay ahay gabar da’yar ah oo u Ollo leysa Xuquuqda Aadanaha, islamarkaana aheyd Diblumaasi Soomaaliyeed oo kasoo shaqeysay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya.

Sidoo kalana Aabaheed oo isagana lagu xasuusto kaalintii uu ku lahaa ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyo Nabadda oo isaguna sidaasoo kale ugu dhintay Difaacidda Xuquuqda Aadanaha iyo Raadinta Nabada Xisilooni ka dhalata Sooomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay Marxuumad Almaas Allaah uga baryeysaa inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo, Samir iyo Iimaana kasiiyo qoyskii, qaraabadii iyo Guud ahaan umada Soomaaliyeed ee ay ka baxday.

Ugu Dambeyntii Dowladdu waxay shacabka Soomaaliyeed U xaqiijinaysaa inuu socdo Baaritaan adag oo lagu soo qabanayo Cadaaladana lagu hor gaynayo cidii ka danbaysay dilka gabadhaas qiimaha badan laheyd.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.