Doorashada kursiga ka bannaan Golaha Shacabka BFS oo la shaaciyay waqtiga la qabanayo

War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen doorashada Xubin ka bannaan Golaha Shacabka Soomaaliya taas oo uu baneeyey Ex-Xildhibaan Saqar Ibraahin Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku geeriyooday Weerarkii lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Somalia 23-kii Bishii Maarso ee sanadkan 2019.

Sidoo kale qoraalka Guddiga ayaa waxaa lagu wargeliyey Odayaasha iyo musharixiinta Xubinta Baarlamaanka in qabashada Araajida ay bilaabaneyso 23-ka bishaan kuna egtahay 30-ka Bishaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.