Golaha Aqalka sare oo anxiyay sharciga Golaha Mihnadlaayasha Caafimaadka Qaranka 

aqalka sare

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Aqalka Sare ayaa meel mariyay Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ)

Kulaka 14aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka sare oo uu shirguddoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaaahi Cabdullahi ayaa looga hadlay Hindise-Sharciyedka Istaatistikada Qaranka iyo Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ).

Hindise-Sharciyeedka Istaatistikada Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa waxaa akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaaal Maxamed Cusman oo Xildhibaanada u sharxay hindise sharciyeedkan..

Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyedyadaan, Guddiga Arrimaha Dibedda, Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.

Intaa kadib, Guddooomiyah Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Beni’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka Senator Axmed Macalim Cumar (Nadiir) ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ). Iyadoo uu Golaha Aqalka Sare ansixiyay Hindise-sharciyeedkan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.