Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Bishii Oktoobar 2019 Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Farmaajo ayaa 25/11/2019 u magacaabay Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka JFS, waxa uuna xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore Mudane Axmed Cali Daahir.
Labadaan Masuul ee loo kala magacabay Ciidamada iyo Garyaqaanka qaranka ayaa kasoo jeeda deegaanada Puntland waxaana loo malaynayaa in lagu qancinayo Madaxwaynaha Puntland saciid Cabdulaahi Deni, Balse waxaan la ogayn inuu Deni ku qanci doona Jagooyinkaan.
Leave a Reply