Rag Imaraad ah oo ka ugaarsanayey Somaliland oo Hargaysa lagu Xiran

Xukuumadda Somaliland ayaa saaka xirtay sagaal nin oo u dhashay waddanka Imaraadka Carabta kuwaas oo si sharcidarro ah uga ugaadhsanayay gudaha Somaliland.

Raggan ayaa aroornimadii maanta lagu qabtay garoonka diyaaraha Hargeysa iyagoo doonaya in ay dhoofaan.

Carabtan ayaa dadweynaha degmada Sabo-wanaag oo ka tirsan gobolka maroodi-jeex markii hore u sheegay in ay mashaariic u fulinayaan balse waxa la ogaaday in ay si sharcidarro ah u ugaadhsanayaan.

Ma ahan markii ugu horaysay oo Rag ka tirsan Imaaradka ay si sharci daro ah u ugaarsadaan duur joogta Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.