Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba Dareed) ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.
Gudoomiyaha ayaa waxaa Adis Ababa kusoo dhaweeyay safiiirka Soomaaliya ee Ethiopia Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey horayna u ahaan jiray Madaxwayne kuxigeenkii Hore ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Gudoomiye Dhooba dared oo kasoo dhooftay Magaalada Garoowe Mudooyinkii dambana Socdaal ku maraayey Deegana ka tirsan Puntland ayaa waxaa la filayaa inuu socdaalkiisa Adis Ababa uga sii Gudbo Magaalada Muqdisho si wadatashi ula soo qaato Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo kasoo Jeeda Puntland.
Leave a Reply