Wakiilada Soomaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD iyo Midowga Yurub ayaa maanta Baydhabo gaaray, waxa ayna kulankii ugu horreeyey kulamo dhowr ah la yeesheen Madaxweyne Cabdicasiis Xassan Maxamed ‘Laftagareen,’ odayaasha iyo bulshada rayidka ah – iyagoo kala tashanayey mowduucyo kala duwan maadama uu foodda nagu soo hayo 2020, oo ah sanad muhiim u ah Soomaaliya.
Leave a Reply