Ciidamada Amniga ayaa Soo Gabagabeeyay Howlgalkii ay ka Wadeen Hotel SYL, Dhammaan 5-tii Dhagarqabe ee Weerarka soo qaaday Waa La toogtay.
Khasaaraha weerarka ka dhashay guud ahaan waa 5 qof 2 askari oo ka tirsan ciidanka qaranka, Garsoore ka tirsan maxkamada G. Banadir iyo 2 Qof oo dadkii Shacabka ahaa hotelka Nasashada u joogay.
Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada, Ciidamada Booliska iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee NISA ayaa howlgalka ka qeybqaatay.
Intii uu howlgalku socday waxa ay ciidamadu ku guuleysteen in ay gudaha Hotel-ka SYL kasoo badbaadiyaan ku dhawaad boqol qof oo kamid ahaa dadkii ku jiray hotelka
Leave a Reply