Guddiga difaaca Aqalka Sare oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka

Guddiga Difaaca iyo amniga ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Sooamaliya.

Kulanka oo ahaa mid la tashiyo lagala yeelanayo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ayaa looga hadlay Hindise-sharciyeedka Hawlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Guddiga Difaaca ayaa su’aalo dhowr ah ka weydiiyay sharcigan taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, waxaana goor shaw soo idlaaday kulanka La-tashiga ee uu Guddiga Difaaca Golaha Aqalka Sare layeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Hindise-sharciyeedka Hawlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.