Guddoomiyihii hore golaha baarlamaanka Maamul goboleedka Soomaliyeed ee Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo dhawaan Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi deni lacag ku bixiyey sidii xilka looga qaadi lahaa ayaa waxuu gaaray Magaalada Muqdisho.
Dhooba Daareed ayaa kasoo dhooftay Magaalada Garoowe asagoo soo maray Dalka Itoobiya halkaas oo kulan kula qaatay Safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Itoobiya horayna u ahaa Madaxwayne kuxigeenka Puntland Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa waxuu Magaalada muqdisho u yimid sidii ula tashan lahaa Xildhibanada laga soo doortay Gobolada Sool iyo Sanaag loona samaysan lahaa Maamul Goboleed.
Leave a Reply