ShirQoolka ka dhanka ah Farmaajo ee Ababulayan Shariif, Faysal iyo Imaradka Waxyeelo iyo dalacaad Kee u tahay?

Waxaa saaka baraha bulshada ku soo baxay  shir saddex geesood ah oo madaxa madasha xisbiyada mucaaradka ah Shiikh  Shariif Sh.Axmed,gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Soomaalilaand Faysal Cali Waraabe iyo dawlada Imaraadka uga socda Dabeey(Dabai),war hordhac ah oo uu siiyey Gudoomiye Faysal baraha bulshada ayuu ku sheegay in uu la bahoobay mucaaradka Soomaaliya maadaama Madaxweyne Farmaajo uu lidi ku yahay Goonisutaaga Soomaalilaand oo uu doonaayo Soomaaliweyn.awoodana saarayaan sidii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga taqalusi lahaa,sidaas awgeed waxaa ii soo baxay arimahaan:-

1-Colaada gaamurtay ee dawlada Imaaradku u hayso dawladnimada Soomaliya oo aanu wada ognahay inta jeer ay dawladnimadeen shirqoolo u dhigtay Allese naga badbaadiyey.

2-Faysal oo qarxiyey in shirku yahay diidmada midnimada Soomaaliweyn.

3-In imaaraadka yahay cadaw ugu weyn ummadda Soomaliyeed.

4-in mucaaradka dawlada Soomaaliya yahay mashruuc daneystayaal Soomaalinimada kharashaad dhaafsada.

5-Ugu denbayn(HILAAC BIYIHIISA WAA CADAYSAA) Fasal Cali Waraabe iyo imaaradku ujeedadoodu waa noo cadahay awalna waa ogayn,waxaase kashifmay mucaaradka Xukuumada Nabad iyo nolol nooc kasta ha noqdeene.

             MAXAA CADAWGA SOOMAALIYA MAANTA GILGILEY?

-DFS waxay haysataa kalsoonida shacbigeeda dhagarta Imaaradaka iyo dhuuniraacyadana dadkayaga waa ka dheregsanyahay,waana arinta dhabarka ka jabisa shirqool kasta oo Imaaradku isku deyey ayyaga oo adeegsanaya  Biiriqaatayaasha muraadka sheegta.

-Horumarka,dhinacyada dhaqaalaha,Amniga iyo siyaasada oo adduunyada oo dhan ku amaaneyso DFS iyo guulaha isdaba jooga ah ee ay gaartay Nabad iyo Nolol oo ay ugu denmbayso deyn cafinta oo go,aanadeedii kama danbaysta ahaa meel kasta looga dhawaaqay,waxay isku dayyada cadawga iyo dhuuniraacyada ku noqotay qaadan waa,waxayna raadinayaan wax ayyan heleen oo ah in ay khaldaan shacbiga Soomaaliyeed oo dibindaabyadooda ka dheregsan.Isku soo wada duub shirka Shiikh shariif iyo Faysal Imaraadka la wadaan waa (BIYO COL DHAANSHAY)xukuumada DFS ee Nabd iyo Nolol waxay u Tahay guul,horumar iyo dalacaad shacbigayagana waa u dhiiragelin iyo  geesinimo ay midnimadooda iyo horunarkooda ku ilaashadaan.

Wabilaahi Towfiiq.

Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.