Ciidanka Deeganka Soomalida Itoobiya oo Haween iyo Caruur Xasuuq u gaystauy

liyuu

Tan iyo markii uu xilka ka waayey Cabdi Maxamuud Cumar oo ahaa Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa laga soo sheegayay deegaanka Soomaliada in ay jiraan Tacadiyo ay gaysanayaan ciidankii Liyuu booliska ee deegaanka Soomalida.

Wararka ay GedoTimes helayso ayaa sheegaya in ciidankii Liyuu boolisku ay bilaabeen inay faaruqiyaan dhammaan saldhigyadii ay horay ugu sugnaayeen, iyagoo bilaabay inay duurka galaan iyagoo Dilal, dhac, kufsi iyo dhibaato ugaysanaya Dadka shacabka.

Kuwii ugu dambeeyay ayaa waxay ka geesteen Deegaanka Neefkuceshe, Laasocaanood iyo Ceelbaxay Gobolka qoraxeey iyo Doolo.

Ciidanka Liyuu booliska ayaa dilal ugaysteen Haween, caruur iyo dad waayeele, Dhinaca Wajaale ee Xuduuda Soomaliland ayaa waxay Liyuu Boliiska ku dileen sadex Qof oo shacabka waxaana ka hadlay Xildhibaano ka tirsan Maamulka Soomaliland iyagoo eed dusha uga Tuuray maamulka Soomalida Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.