Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa xalay hoygiisa ku casuumay safiirka dalka Turkey mudane Mehmet Yilmaz.
Safiirka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, Gudoomiyaha ayaa uga mahad celiyey dowlada Turkiga kaalmada iyo garab istaaga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.
Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyo badan oo ay ka midyihiin tababarrada Ciidamada kala duwan waxaa kale oo uu Turkiga Soomaliya ka caawiyaa dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Leave a Reply