Laba qof ayaa ku dhawacantay qarax lagu weeraray Masjid ku yaalla Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.
Masjidkan oo ku yaalla Xaafada Via Libera ayaa waxa lagu tuuray bam gacmeed sida ay ku warameen dad xaafada ku sugan.
Labada qof ee dhawac soo gaaray ayaa ka mid ahaa dhalinyarada Xaafada kuwaas oo ku sugnaa meel ku dhow Masjidka weerarkan lagu qaaday.
Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa soo gaaray halka qaraxan uu dhacay kuwaas oo xiray dhamaan wadooyinka masjidka gala.
Maamulka Degmada Waaberi oo aan la xiriinay ma uusan ka jawaab celin telefoonka Idaacada si aan wax ugu waydiino baaritaan Ciidamada halkaas ay ka sameeyeen.
Leave a Reply