Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo Amray in la xiro Akoontiyo sharci daro ah

Bangiga

Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray Warqad uu ku amrayo Bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka in ay xiraan Xisaabaadka u furan Sharikadaha ka ganacsada Sarrifka ee loo yaqaan FOREX.

Warqad ka soo baxday Bangiga dhexe kuna saxiixantahay Guddoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya Maryan Cabdullahi Yuusuf ayaa sidoo kale lagu armay Bangiyada gaarka loo leeyahay in ay Bangiga dhexe u gudbiyaan lacagaha ay u hayaan sharikadaha ku shaqeysta Sarrifka Internetka ee FOREX.

Forex ayaa goobo dadka lagu dhaco iyadoo la dhaho maal gashta lacago badan baad helaysaan, dadka maal gashta Shirkadaan loo yaqaano Forex ma helaan dabaanad qaad waxaana inta badan dhacda in dadkii maal gashtay ay ku qasaaraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.