Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabanacad iyo Wafti uu hogaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda, iyo Maamulka Gobolka Mudug ayaa lagu soo dhoweeyay degmada Saaxo ee Gobolka Mudug.
Waxaa wafdigan kusoo dhoweeyay Saaxo, masuuliyiinta degmada iyo boqolaal ka mid ah Bulshada kala duwan, Wafdiga ayaa kormeeray xarumaha Dowladda iyo kuwa arrimaha Bulshada kadibna kulan xog wareysi ah laqaatay dadka deegaanka.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland iyo waftigiisa ayaa uga mahadceliyey sida wanagsan ee looga soo dhaweeyey Degmada Saaxo.
Leave a Reply