Howlgallo xagga cirka ah o ay si wadajir ah u fuliyeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika,isla markaana lala beegsaday maleeshiyada argagixisada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaan ku yaalla galbeedka magaalada Muqdisho.
Howlgalkaan oo ka dhacay deegaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Sh/Hoose,isla markaana 45 –KM galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa wararkuwaxaa ay intaas ku darayaan in lagu dilay 3 maleeshiyo oo ka mid ah argagixisada Al-Shabaab.
Qiimeyn ku aadan duqeynta xagga cirka ah oo la sameeyay ayaa sheegeysa in aysan jirin wax dhibaato ah oo la gaarsiiyay dadka rayidka ah ee ku sugnaa agagaarka halkii la weeraray.
Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa sii wada dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. iyagoo kaashanaya ciidamada Mareykanka ee Africom, si loo kordhiyo amniga ,loona qabsado dhulka ay weli ku sugan yihiin argagixisadu.
Howlgallada ay wadaan ciidamada XDS oo kaashanaya kuwa Mareykanka iyo Amisom ayaa ah mid looga hortagayo argagixisada,si dadka Soomaaliyeed ay u helaan amni,waxaana ciidamada calamiga ah ka go’an in ay ballaariyaan isla markaana sare u qaadaan amniga gobolka, iyagoo kaashanaya awoodda milateri ee ciidamada Soomaaliya.
Leave a Reply