Maktabada Degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud Waxaa lagu soo gabagabeeyey barnaamij Aqoon iswaydaarsi ah oo ku saabsanaa sidii Bulshada uga Fa’idaysan lahayd isticmaalka Maktabada Degmada Balanbale oo yaalaan Buugaag aad u farabadan oo waxtar u ah Bulshada.
Maktabada Degmada Balanbale waxaa Marti ku ahaa Garyaqaan Cali Sheikh Adam Yusuf Cali Somali waxaana munasabadaas Aqoon kororsiga ah ka qayb galay Aqoonyahano, Dhalinyaro, waxgarad iyo qaybaha kale duwan ee Bulshada Balanbale waxuuna kusoo dhamaaday sidii loogu talagay.
Maamulka Maktabada Degmada Balanbale ayaa waxuu uga Mahadceliyey Garyaqaan Cali Somali sida wanaagsan ee Bulshada Balanbale ula wadaagay aqoontiisa, waxaa kaloo Maktabada Degmada Balanbale wadaa Martiqaad ay usamaynayso aqoon yahanada Soomaliyeed sidii ay aqoontooda ugu faa’dayn lahaayeen Bulshada Soomaliyeed.
Leave a Reply