Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku yimi Boosaaso.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, waxay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya.
Leave a Reply