Puntland oo Shaacisay Xiliga dilayo Ragii Kufsaday Caa’isha Ilyaas

puntland

Xeer-ilaaliyaha guud ee dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa Puntland Tv u xaqiijiyay waqtiga la fulin doono xukunkii dilka ahaa ee maxkamaddaha Puntland ku xukumeen saddexdii nin ee kufsaday Caasho Ilyaas Aadan.

Xeer-ilaaliyaha guud ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11/02/2020 marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo, goobta laga fulin doonana ay tahay Bosaaso.

Caasha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar yar ayaa falka foosha loogu gaystay Magaalada Gaalkacyo waxaa carro xoogan ka muujiyey shacabka Soomaaliyeed, Qoyskii Caa’isha Ilayaas ayaa ka guuray Magaalada Gaalkacyo iyagoo u guuray Magaalada Jigjiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.