Mudaneyaasha baarlamaanka labaad ee Maamulka Goboleedka Galmudug oo fadhigii ugu horeeyay maanta oo Axad ah ku yeeshay magaaladda Dhuusamareeb ee ayaa doortay gudoomiye ku meel gaar ah.
Xildhibaanada Barlamaanka Galmudug ayaa Gudoomiye ku meel gaara u doortay Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo ahaa Xildhibaanada ugu dada Wayn Xildhibanada Cusub ee Galmudug.
Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane ayaa xilka sii hayn doona inta laga dooranayo gudoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Wakiiladda maamulkaas.
Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane ayaa horay uga mid ahaa baarlamaankii ku meel gaarka ee dowladdii madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Leave a Reply