Maxuu ku sabsaana Safarkii Ugaas Maxamed uu ku maray deegaano ka tirsan gobolka Doollo


Waxaa uu ahaa safar kale oo uu ugaaska Beelaha Sade ku tagay Dawlad deegaanka Soomaalida gaar ahaan deegaano ka tirsan Degmada Wardheer ee Gobolka Doollo si uu oga mira dhaliyo dadaalo nabad raadin ah oo Ugaaska horay oga bilaabay Deegaano ka tirsan Gobolka Qoraxeey.

Ugaas Maxamed ayaa tan iyo waxii ka dambeeyay Dagaalkii dhexmaray Ciidamada Liyuu-boolis iyo dad kamid ah shacabka loogu tala galay inay ilaaliyaan Nabadgalyadooda ay is qoomeen 20, kii December 2019,kii waxaana uu bilaabay dadaalo uu ku qaboojinayo xiisadaasi.

Waxaana uu guntiga u xirtay sidii uu ku baajin lahaa daadashada dhiig dambe, xiriiro iyo kulamo kala duwan oo uu ku qaboojinayo khilaaf kaasi ayuu ka dhex bilaabay Ugaaska Dadka mudan ee uu u arkay inay dib u abuuri karaan soo noqoshada kalsoonidii luntay ee u dhaxeysay dadka shacabkaa iyo Ciidamada Liyuu-boolis ee ka hawlgala Gobolada Qoraxeey iyo Doollo.

Deegaano ka tirsan Gobolka Qoraxeey oo uu ka bilaabay Ugaaska socdaalkiisii koowaad ayaa suurta gal ka dhigay inay dib ugu soo noqdaan shacab badan oo horay oga barakacay deegaanada Goohweyne iyo Laasacaanood markii Ugaaska iyo wafti uu hogaaminayo ay gaareen halkaas.

Ugaaska ayaa safar kale oo lamid ah kii Gobolka Qoraxeey waxaa uu shalay ugu kicitimay deegaano ka tirsan Degmada Wardheer ee Gobolka Doollo, waxaana suurta galay in dad badan oo muddo 2. Bilood ah ka maqnaa Guryahoodii ay dib ugu soo laabtaan.

Deegaanada dib loogu laabtay shalay ayaa waxaa kamid ah tuulada NEEF_KUCEHSE oo horay ay 400 oo qoys ay oga barakaceen, waxaana Ugaaska iyo waftigiisa intii ay joogeen shalay deegaanka Dhagaxbuur looga soo daad gureeyay gaadiid Ugaaska uu u diray dad u badnaa haween iyo caruur dibad yaal u ahaa in muda ah Cadceeda iyo Qabowga soo dhaca hamiinkii, xalay ayayna si nabdoon ugu soo hoydeen guryahoodii ay ka maqnaayeen in muddo ah.

Deegaanada kale ee Ugaaska iyo waftigiisa ay shalay iyo maanta tageen waxa kamid ah.

Burgeesoole
Abdacalle
Raqqo
Doorshaan
Ceel-dibir
Ceel-baxay
Dhagax-buur
Neef-kuceshe
Miir-khaliif
Tuulo-Qorax
Cilaanle
Golweyn
Badrool-daadis
Digixyo

Dhamaan deegaanadiisi waxaa si wada jir ah loogu soo wada dhaweeyay Wafttiga uu Hogaaminayay ugaaska, Galinkii dambe shalay ayaa Ugaaska iyo Waftigiisa ay ay si nabdoon ugu soo laabteen degmada Caabudwaaq.

Warbixintii wariye Naftada nabada Bar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.