Madaxweynaha Hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Degmada Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa, isagoo sidoo kalena kala diray Golaha deegaanka degmadaas.
Guddoomiyihii Degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa kasoo horjeestay xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf, isagoona sheegay in wax xilka qaadis uusan ku sameeyn Karin Xaaf Madaama Waqtigiisii dhamaaday .
Madaxwaynihii hore ee Galmudug ayaa culays dhan walba kasoo foodsaaray horayna waxuu kasoo carooday Magalada Dhuusamareeb kadib markii isaga iyo Shiiq Shaakir qilaaf soo kala dhex galay.
Leave a Reply