Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire ayaa casho sharaf u sameeyay Isimada dowlad gobaleedka Puntiland iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho,
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa marka hore bogaadiyay doorka dhqanka ee horumarka bulshada iyo nabadaynta wuxuuna uga mahadceliyay booqashada ay ku yimideen Magaalada Muqdisho.
Ujeedka Isimada ka socday dowlad gobaleedka Puntiland iyo dowlad deegaanka Soomaalida ay Muqdisho u soo gaareen ayaa ahaa sidii ay ugala hadli lahaayeen Madaxda Dowlada Soomaliya qilaafka soo kala dhex galay Dowlada federaalka ah iyo Maamul goboleedyada Jubbaland iyo iyo Puntland iyo arimo kale oo quseeya Dhaqanka.
Ugu dambeyntii Kulanka Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehlinayay Wasiir, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka lamana sheegin waxa uu kusoo dhamaaday kulankaas xalay ka dhacay Muqdisho.
Leave a Reply