Caabudwaaq:Liibaan Buule oo kubaaqay in isxilqaan lagu dhiso Wado laami ah oo iskuxirta Garoonka iyo Magalada

liibaan buule

Baaq iyo Baraarujin.

Magacayga Oo Sedexan Waa liibaan Cali Guuled kuna Macag Dheer (Liibaan Bulle)

Waxaan Kamid Ahay Dhalinyarada Ka soo Jeedo Degmada Caabudwaaq, Balse kuma korin kumana soo wax baran.

Magaalada caabudwaaq waxay dhacdaan Waqooyiga Gobolka Galgaduud, waana Magalaada ugu Weyn Guud Ahaan Gobolka Ugana Bulsho Badan Galmudug.

Sanadkii hada dhamaaday ayaan Booqasho yar oo gaaban ku tagay magaalada, waxaa ku soo arkay Dad hormar diyaar u ah iyo Magaalo Kobocday, baahida ugu weyn ee Reer caabudwaaq qabaan waa wado la’aan balse Isku tashi waan ku qabsan karnaa.

ujeedkayga ugu weyn waa in aan halkaan Baaq iyo baraarujin uga dirayaa Bulshada caabudwaaq, Ganacsato, dhalinyaro,siyaasiyiin, ururadad bulshada,qurba-joogta inta udhaxaysa Magaalada iyo Garoonka diyaaradaha Aan saarano Wado laami ah waa 5Km oo kaliya Aan ku dhisano si Isxil-qaan Ah.

wax walba oo loo midoobo waa laga dhabeeyaa waana lagu guuleystaa, isku duubni ayaana hormar lagu gaaraa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.