Ciidamo ku dagaalamay Baladxaawo oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac

indhakoray

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo gaar ahan Baladxaawo ayaa sheegaya inay israsaaseyn Dhexmartay ciidamo taabacsan wasiir Janan iyo Kuwa dowlada federaalka ah ee Soomaliya.

Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ciidamo taabacsan wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ay gudaha u galeen qeybo ka mid ah degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi iyo kuwa dowladda ee ku sugan halkaasi ay isku dhaceen, islamarkaana uu dhexmaray iska hor imaad kooban.

Dagaalkaas ayaa hal askari looga dilay wasiir Janan, halka laba askari laga dhaawacay dhanka ciidamada dowladda.

Dadka aan la haddalnay ayaa sidoo kale sheegay in haatan xaaladu ay dagan tahay, islamarkaana ciidamadii Jubbaland ay dib ugu laabteen duleedka degmada Beled-Xaawo oo ay markii horaba ka yimaadeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.