Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS, Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta kuwaas oo lagu soo kordhiyey Ciidamada asluubta Soomaaliyeed.
Wasiirka cadaalada Soomaliya waxaa ku waheliyey Munasabadaan tobarbarka loogu soo xiraayey Ciidamada Asluubta Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Gudoomiya Maxkamdda Sare ee Ciidanka Qalabka sida Jeneraal Liibaan Cali Yarow, Gudoomiya Maxkamadda Darajada 1aad Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, Korneel Xasan Cali Nuur Shuute iyo Saraakiil ka socotay UNSOM.
Leave a Reply