Sawiro:Xarunta Waxbarashada Gobolka Banaadir oo xariga laga jaray

Goodax

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarigga ka jaray xarunta waxbarashada gobolka Banaadir oo muddo 30-sano kadib dib loo hirgaliyay taas oo qeyb ka noqon doonta xoojinta adeegyada wabarashada waxaana munaasabadda xarig jarka goobjoog ka ahaa hoggaanada daladaha waxbarasho ee dalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Xaruntan cusub ayaa laga hirgaliyay degmada XamarWeyne iyadoo ay ka koobantahay dhowr qeybood oo bixin doonta adeegyada waxbarashada ee gobolka Banaadir si loo helo waxabarsho tayo leh oo bilaash ah iyo in laga baxo baahiyaha waxbarasho ee taagan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in uu qeyb ka qaato horumatinta waxabarshada gobolka Banaadir.

Ugu dambayn mas’uuliyiinta ayaa kormeeray xafiisyada ay xaruntan ka kooban tahay waxeyna kula dardaarmeen madaxda xaruntani in ay dardar galiyaan horumarinta waxabarashada Caasimadda.

.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.