Wafti Balaaran oo uu Hogaaminayo Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Barlamaanka Puntland Ismaacii Maxamed Warsame ay kamid ahaayeen 12 Xubnood oo ka tirsan wasiirada Puntland ayaa Maamulka Soomaliland ka cayrsheen Deegano ka tirsan Maamulka Puntland oo Somaliland Xoog ku haysato
Ujeedka Safarkooda ayaa ahaa inay Ka Qeyb Galaan Caleema Saarka Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo ka dhici lahaa deegaanka Dharkeyn Geenyo ee gobalka Sool.
Wasiirka warfaafinta ee Somaliland Saleebaan Cali Koore oo ay wehliyaan xubno kayimi Hargeysa ayaa sheegay in aysan suuragal aheyn in wafdgan ka socda dhanka Puntland ay lagalaan deegaankaas wax hub ah, waxayna sheegeen in looga baahan yahay in ay dhammaan iska reebaan Ilaaladooda.
Leave a Reply