Safaarada Soomaaliya ee Dalka Swizerland ayaa Bilowda bixinta Basaboorka Soomaaliga

ebyan

Safiirada Soomaaliya ee Wadamada Switzerland iyo Austria Amb Ebyan M. Salah (Ladane) iyo K/xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’ada Socdaalka iyo jinsiyadaha Mudane, Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa si wadajir ah u furay Xafiiska bixinta Baasaboorka Soomaaliya oo maanta laga furay Safaaradda Soomaaliya ku leedahay waddanka Switzerland.

Furitaanka Xafiiska Bixinta Baasaboorka ayaa waxaa goobjoog ahaa Xoghayaha 1aad ee Safaaradda iyo Mas’uuliyiin kale oo kasoo qeybgashay furitaanka, waxeyna dhamaantood sheegeen in adeegyadan ay baahi weyn u qabeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Switzerland iyo wadamada ka agdhow, islamarkaana ay hada kadib fursad u siineyso in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ka heli karaan Safaaradda Soomaaliya ee Geneva adeegga Baasaboorka.

Amb Ebyan, oo hadal kooban ka jeedisay munaasabada ayaa uga mahadcelisay Madaxda Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda hirgelinta Xafiiska Baasaboorka ee Safaaradda Soomaaliya ee Geneva.
Sidoo kale K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed, ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay madaxda Safaaradda soo dhaweynta ay u sameeyeen, dhanka kalena goobta ka sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya {HSJ} ay sanadkan ku howlan tahay sidii ay adeegga bixinta Baasaboorka u gaarsiin laheyd goobo hor leh oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ah si Muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu soo dhaweeyo adeegga Baasaboorka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.