Maamulka Galmudug oo aan wali kasoo kaban qilaafyadii siyaasadeed iyo midkii ay kala tirsanayeen Beelaha Daga Galmudug, ayaa hadana waxaay Barlamaanka Cusub Galmudug Isbaaro udhigteen Magacaabista wasiirada Galmudug ee aan wali lagu dhawaaqin
Baarlamaanka Galmudug ayaa wax ka badal Ku sameeyay qodobka 30-aad ee Dastuurka Galmudug ee dhigayey xubin Baarlamaanka ka mid ah in aysan qayb ka noqon Karin Gollaha Wasiirada ee cusub.
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa ay ansixiyeen in xildhibaanka uu noqon karo wasiir ka tirsan xukuumada Galmudug.
Dood Dheer Kadib Maanta ayaa Baarlamaanka maamul Goboleedka Galmudug Cod aqlabiyad ah ku ansixiyey qodobka ah in Xildhibaaanada ay qaadan karaan Wasiir iyagoo ah Xildhibaaan, islamarkaana Wasiiradu ay ka imaan karaan Golaha Baarlamaanka Iyo weliba Bananka Golaha.
Ku dhawaad 56 mudane ayaa meel marayay mooshinka ay soo gudbiyeen xildhibaano kor u dhaafaya 20 mudane.
Leave a Reply