Dawladda Itoobiya ayaa Dalalka Jabuuti Iyo Soomaliya Ka Dalbatay Inay Faahfaahin Ka Bixiyaan Qaraarka Jaamacadda Carabta ee Itoobiya Lagu Cambaareeyay Laguna Taageeray Dalka Masar.
Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxay kamid ahaayeen Dalalka Taageeray Qararkii Jaamacada Carabtu ku Cambaareeyeen Dalka Itoobiya.
Hadaba Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo ka jawaabaya Dalabka Itoobiya ayaa ka hadlay muranka ku saabsan Webiga Nile ee u dhexeeya Dowladaha Masar iyo Itoobiya.
Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhex-dhexaad ka tahay muranka la xiriira arrimaha Webiga Nile, isla markaana aysan u yeeri karin Labada dhinac.
Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya Khilaaf ku addan Wabiga Nile oo ay Itoobiya dooneyso Biyo xireenka ay sameysatay inay Albaabada u furto, Murankaas oo saameyn ku yeeshay Dalalka geeska Afrika.
Leave a Reply