Maxaabiistii uu dhawaan cafis madaxweyne u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaayo ee ku jira Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa maanta laga sii deynayaan Xabsiga dhexe waxaana haatan ku sugan Xeer illaaliyaha guud ee Qaranka Saleeban Maxamed Maxamuud.
Maaxaabiistaan ayaa tiradoodu tahay 148 hase ahaatee kuma jiraan dad galay dambiyo culus.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii bishaan cafis madaxweyne u fidiyay 148 maxaabiista si looga hortago qatarta iyo faafitaanka Cudurka Covid19.
Leave a Reply