Booliska Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa gubey qaad Hareeri ah Kadib markii dhawaan maamulka degmada Caabudwaaq iyo laamaha amniga ay soo saareen awaamiir ah in la joojinayo qaadka ka yimaada dalka Itoobiya.
Taliyaha Booliska degmadda Caabudwaaq Gaashaanle Qalbi Axmed Cali ayaa kawarbixiyay howl-galka ay ku soo qabteen qaadka waxaana uu ugu baaqey dadka ka ganacsada qaadka in ay uturaan hantidooda oo ay joojiyaan qaadka inta ay ka fasaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warbixintaa waxaa Caabudwaaq kasoo diray ayaanle Cabdulaahi.
Leave a Reply