Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Ahmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” iyo kuxigeenkiisa Ali Dahir Ciid ayaa baaq Nabadeed u diray walaaha ku dagaalaya deegaanka Balicad
“waxaan si wadajir ah u cambaarneynaa dagaalada nasiib darada ah ee kasocda gudaha xadka ay wadaagaan Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxdu waxay xanuunka la qaybsanayaan una tacsiyaynayaan dadka ehelkoodu ku dhinteen dagaaladaasi iyo kuwa ku dhawacmeen. waxayna Alle uga baryeen inta dhimatay inuu u naxariisto, inta dhaawacaana u booga dhayo.
waxay sidoo kale amreen in si deg dega ah loo joojiyo dagaalka loona dhaga-nuglaado baaqyada nabadeed ee madaxda iyo waxgaradka samaha jecel.
Madaxda waxay kaloo ay xuseen in ciidamo iyo dad masuuliyiin ah u direen deegaanada dagaaladu ka socdaan si loo joojiyo colaada, sidoo kalana ay xiriiro kala sameeyeen madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ka qayb qaadashada joojinta colaada ka taagan xuduudka ay wadaagaan.
Leave a Reply