Warkii hore war soo dhaaf wayeel qolof leh baa yimid waxay ahayd yaab iyo amakaak markii u horeysay ee la arkay dad caddaana oo dhex maraya cara mudug oo sida aan taariikhda ku haysto ahayd nawaaxiga Ceelbuur markii ay baxaysay murtidaan Sooamaaliyeed, waxaana ay Igu soo maaxatay markii ay ii muuqatay humaag cajiiba ee ka dhashay Caabuqa Karoonefayris ee adduunyada aafeeyey,.
Cadawinimada dadka mucaaradka sheegta ee Soomaaliyeed kala daadsanaanta hanaanka dawladnimada Soomaaliyeed, qabyaalada iyo madaxadayga badawnimadu asalka u tahay ee shacbiga Soomaaliyeed waxaa taas oo kale igu noqday iyo wax ka sii darana caabuqa karoone ee gilgiley adduunka oo dhan oo dawladahii awooda isbidi jirey u caalwaayeen jawaabta mucaaradka Soomaalida kuwa sheegtaa ka bixinayaan markii xukuumdda umadda Soomaaliyeed tilaabooyinkii ku haboona qaaday si ay khatarta jirta u yareyso, hadaladoodu ma’ahayn kuwo xigmadeysan, naxariisi kama muuqato sidoo kale lixijeclada shacbiga waa ka qawanaayeen.
Haddaan intaas ka gudubno sow ma oga in tilaabo tilaabo loola socday wixii ay ku hawlanaayeen tan iyo markii la dhisay Xukuumada Nabad iyo nolol haddii aan idin xusuusiyo labadii sano oo u horeysay waxay ku mushquuleen mooshino is daba jog ah oo aan kala go’lahayn dhammaantoodna waxay ku dhammaadeen fashil, sidoo kale mudo sanad iyo siyaado ah maxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaayeen kicin dadweyne marar badan bayna isku dayeen fashil bayna ku dhamaadeen, ogaada oo dhammaan isku dayadaas waxaa qorshaha iyo kharashkaba lahaa cadwga dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee Imaaraadka iyo Kenya ,saldhiga abaabulkuna ahaa Neyroobi.
Maanta waxay la gashay siyaasadooda guracan in masiibada aan farta wadnaha ku hayno in karoonefayris dad kayga xasuuqo in ay iska horkeenaan shacbiga iyo dawlada,ayyaga oo amarada badbadinta shacbiga uga dhigay kuwo ayaga lagu cadaadinaayo, kana faa’ideysanaaya goldalooloooyin jira sida in aanaan haysan dhaqaale aan dadkayaga ku badbaadin karno iyo qalab caafimaad ee inagu filan uusan noo oolin.
Dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay (TALADA ADAA KU NOOL EE AYYADU KUGUMA NOOLA) intaan xeero iyo fandhaal kala dhicin qaata talada dhaqaaiirta iyo madaxdiina.
1-Kala fogaynta dadku waa lagamamaarmaan.
2-Is dhawrida iyo nadaafada waxaad ku yarayn kartaa khatarta cudurka.
3-Meelaha laysugu yimaado sida Masaajida ,suuqyada, maqaayadaha iyo xafladahu waa halista ugu weyn oo ka imaan karta karoonaha.
Ugu danbayn dhammaateen xil baa na saran culumada, aqoonyahanada, dhalinyarda Ganacsatada iyo dawlada (CEEL UMA QODNA CIIDDANA UMA MAQNA) aan isu kaashano sidii aan khatarta taagan dad kayaga uga yarayn lahayn oo shacbigayaga uga badbaadin lahayn, yaanaan ku kadsoomin dabinka joogada ah ee cadawga shisheeyaha ah iyo adeegayaashu maleegayaan, halna ogaada markii aan wax maqli weyno oo karoone xasuuq ba’an noo geysto in ay qosli doonaan waa sidey rabeene xaajadana u badelayaan dawladii baa wax qaban weydey.
Wabilaahi towfiiq.
Jimcaale.
Leave a Reply