Degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacday Munaasabad Xariga looga jarayay Idaacad Cusub oo ay yeelanayso degmada Balanbale.
Waxaana munaasabaddii xariga looga jarayay Radio Galgaduud ka qeyb galay Xildhibaano, maamulka degmada Balanbale, dhalinyaro, Aqoonyahano ka socda Bulshada Balanbale iyo Maamulka Idaacada Cusub ee laga hirgaliyey Degmada Balanbale.
idaacadaan laga hirgaliyey Degmada Balanbale ayaa noqonaysa idaacadii ugu horeysay ee laga Hirgaliyo Balanbale.
Leave a Reply