Kulan Lagu soo Afjarayo colaadii Walawayn ayaa ka dhacay Yaaqbariwayne

ciidan

Deegaanka Yaaqbari weyne ee gobolka Shabeellada hoose waxaa maanta lagu qabtay kulan qayb ka ah kulamada lagu Soo afjarayo colaada beelo ood wadag ah oo dhawaan ku dagalamaya degmada Walweyn iyo deegaananada hoos yimada qaar kamid ah.

Kulanka waxaa kaqayb galay wasiirka dekedaha dowladda goboleedka koofur galbeed, taliyaha guutada 7 aad qaybta 60 aad ee ciidanka Dhulka,taliyayaasha uruurada Danab,54 aad iyo uruurka 35 aad iyo kusimaha gudoomiyaha degmada Walweyn

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa waxgardka beelihii dirirtu ku dhex martay degmada Wanla weyn.

Wasiirka dekedaha dowladda goboleedka Koofur galbeed ayaa waxgaradka ugu baaqay in wixii dhacay laga noqdo xalay dhalay sidoo kale la ilaaliyo nabad-galyada degaank.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.