Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiraan oo si qasab ah Xilka Wareejiyay

hiiraan

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Muxumud Caraale ayaa maanta xilka si qasab ugu wareejiyey guddoomiyaha cusub ee gobolka loo magacaabay Cali Jeyte Cusmaan.

Xil wareejinta oo ka dhacday xarunta maamulka gobolka Hiiraan waxaa goobjoog ka ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Oadayaasha dhaqanka ee gobolka, Ciidamada AMISOM iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Muxumud Caraale ayaa ka horyimid xilka qaadis uu kusameeyey Madaxwaynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi waare taas oo Maanta qasab looga Dhigay inuu xilka wareejiyo.

Gudoomiyaasha Soo maray gobolka Hiiraan ayaa waxay dabeecad ka dhinteen inay xilka Markii laga qaado ay ka horyimadaan waxaana saas horay usameeyey Gudoomiyihii hore Gobolka Hiiraan Yuusuf dabageed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.