Wariye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja oo ahaa Tafatirihii Radio Hiigsi ayaa muddo kabadan Bil ku xiran Magaalada Muqdisho mana jirto xildhibaan iyo Saxaafad ama wariyaal u banaan baxay, taasina waxay ku tusaysa nin Jeclaysiga qaar kamida Wariyaasha Muqdisho ay ku kacayaan.
Dhanka kale Magaalada Muqdisho waxaa Maanta ka dhacay Banaanbax ay soo Abaabuleen Idaacada Goobjoog oo ka qayb galeen wariyaal kooban oo ka hawlgala Magaalada Muqdisho waxayna dalbanayeen in lasii daayo Wariye Cabdicasiis Gurbiye.
Haddaba Gurbiye muxuu uga duwan yahay wariye Abuuja ama wariyaasha kale duwan ee maalin kasta lagu xiro Dalka qaarna Idaacadahoodii iyo qalabkoodii ay qaateen Maamul goboleedyada Dalka Ka jirta.
Ugu dambayntii Saxaafadda iyo Suxufiyiintu waa inay noqdaan Caddaalad lana Garab istaagaa wariyaasha dhamaantood saxaaduna waa inay ka Fogaataan Qabyaalada iyo wararka xaqiiqda ka fog.
Leave a Reply