Madaxwaynaha Koonfurgalbeed oo Hal sano loogu daray

Laftagareen

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Maanta oo Isniin ah ku yeesheen kulan ka duwan kulamadoodii hore.

kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka KoonGalbeed ku yeesheen Magaalada Baydhabo ayaa ahaa Cod u qaadista muddo kordhin loogu sameynayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan “Lafta-gareen”.

Xildhibaan Maanta kulanka soo xaadiray oo tiradooda ahayd 87 ayaa Cod gacan taag ah u qaaday muddo kordhin hal sano ah oo loo sameeynayo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen, waxayna xildhibaanda ugu dareen Hal Sano Madawaynaha Koonfurgalbeed.

Xildhibaanada Koonfurgalbeed ayaa is waafajiyey Mudda xileedka Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha koonfurgalbeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.