Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa xalay Xabsiga loo Taxaabay Haween Tiro badan oo Soomali ah kadib markii ay jabiyeen Bandowgii Coronaha.
Haweenkaan ayaa waxay ka horyimadeen talooyinkii Cafimaadka ee ahaa in lakala Fogaado oo aan wax kulamo ah aan la qaban, balse badalkeeda waxay ka qayb galeen xaflad Aroos waxayna Qatar Galiyeen Naftooda iyo Bulshada ay ku dhexnoolaayeen.
Ciidamada Amniga Kenya ayaa xalay waxay wadada Labaad ka qabteen Haweenkaan Soomalida ah waxaana loo Taxaabay xabsi.
Arinkaan ayaa waxuu meel ka dhac ku yahay Bulshada Soomaliyeed ee Kenya ku nool gaar ahaan haweenka Soomaliyeed.
Leave a Reply