Deni oo kordhiyey Dalaga Beeraha kadib Cunaqabatayn uga timid Hirshabeele iyo Galmudug

deni

Madaxwaynaha Puntland siciid Cabdulaahi Deni ayaa Beeralayda Puntland ugu Baaqaan Inay kordhiyaan kobaca Beeraha si looga maarmo Cuntada iyo qudaarta ka timaada Koonfurta Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxwayne Deni ayaa waxuu amray wasaarada Beeraha Puntland inay Beeralayda Puntland u fududayso wax kasta oo u baahnaadaan oo ugu horeyso Shidaalka iyo Abuurka Beeraha.

Hadalkaan Deni ayaa yimid markii Maamul goboleedyada Hirshabeele iyo Galmudug ugu hanjabeen inay Cunaqabatayn saarayaan Puntland waxaana la Hawl galiyey Isbaraadii taalay Gaalkacyo dhinac Galmudug loona Yaqaano “Baraxley“.

Madaxwaynaha Puntland ayaa horay waxuu sheegay inuu Joojinaayo Raashinka loo diro Deeganaada Galmudug iyo Hirshabeele ee kabaxa Dekada Boosaaso inta lagu Jiro Xayiraada Coroanaha.

1 Comment

  1. Dadka beeralayda oo aan ka mid ahay waxan ogahay in hadalkaan guul u yahay
    Mideeda kale waxaan kula talin lahaa wasarada beeraha iyo waraabka puntland in ay nagu garabsiiso beerashada dalaga
    Muhiimada:
    1. Shidaalka
    2.seed ka
    3.dawada buufinta cayayaanka
    4.bacraminta
    5.qalabka beeraha lagu falo
    6.ceelal u baahan in naloo dhamaystiro
    Iwm
    Mahadsanid
    Dr. Abdiwali Amuureye used facebook

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.