Sawiro:Qalab looga hortago fatahaada oo Balaweyne Lageeyey

Dowladda Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta Beledweyne geysay diyaarad siday agab looga hortagayo  in uu fataho wabiga Shabeelle ee Beledweyne, waxaana agabka ka mid ah jawaanno iyo biro loogu talagalay in  caratuur lagu sameeyo.

Agabkan ayaa ah mid loogu talagalay in loo adeegsado ka hortaga fatahaada wabiga Shabeelle magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana agabka la wareegay maamulka Gobolka Hiiraan.

Dhawaan ayay aheyd ka markii wafdi balaaran ee uu horkacayay Wasiirka Boostada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kormeer qiimeyn ah oo lagu ogaanayo xaaladihii ugu dambeeyay ee fatahaada wabiga Shabeele ay ku tageen magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana maanta dowladdu ay Beladweyne gaarsiisay agab biyaha looga hortegayo.

Wasiirka Boostada isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay wado dadaalo looga hortago fatahaad uu sameeyo wabiga shabeelle ee Magaalada Baladweyne .

.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.