Sawiro:Waare oo Gaaray Baladwayn Xili la hadal hayo MusuqMaasuq

waare

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Madaxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaasi oo ay ka jiraan howllo looga hortagayo fatahaada Wabiga Shabeele ee magaalada Baladweyne.

Madaxweyne Waare iyo wafdigiisa ayaa kasoo kictimay Magaalada Jowhar oo haatan xarun u ah maamulka Goboleedka Hirshabeelle.

Qeybo ka  mid bulshada, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada ayaa soo dhaweeyay Madaxwyeneha  waxaana loo qaaday isaga iyo wafdigiisa gudaha Magaalada halkaasi oo lagu wado inay ku yeesheen kulamo ay uga arrinsayaan xaalada fatahaada wabiga iyo sidii loo xakameyn lahaa maadaama uu haatan qeybo ka mid Xaafadaga Magaalada ka bilaawday fatahaad.

Hirshabeele ayaa waxaa jira hadal haynta lacagtii loogu talagalay Fatahaada Magaalada Baladwayne ee Sanadkii hore in la dhunsaday

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.