Wabiga Shabeelle ayaa si buuxda ugu fatahay xaafadaha magaalada beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaana Joogsaday isku socodkii dad waynaha iyo Gadiidka.
Dadka badankooda ayaa ka Guuray goohiihii ay daganaayeen waxaase jira dad wali ku go’doonsan qaybo kamida Magaalada.
Xaafadaha Magaalada Beledwayne iyo inta badan wadooyinka ayaa saakay waxaa buux dhaafiyay biyo farabadan iyadoo wali ay socdaan dadaalo lagu xakeynayo biyaha waxaana sii kordhaya Cabsi laga qabo inay dhacaan fatahaaddo qasaaro geysta.
Maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Baladweyne, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo iskaashayo ayaa wado howlo caro tuur loogu sameeynayo goobaha uu Fatahaada kawada Wabiga ee Duleedka Magaalada .
Leave a Reply