Soomaaliya oo soo bandhigtay xermooyin Shidaal oo la iibinayo

shidaal

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed oo wareysi siiyay Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in sharciga shidaalka uu yahay saldhiga bandhiga xermooyinka shidaalka.

Wasiir Batroolka waxa uu sheegay laba arimood oo kala ah dhismaha shirkad shidaalka iyo Hey’adda Qaran ee shidaalku in ay muhiim u yihiin soo saarista shidaalka.

Tartanka Shirkadaha doonaya iibsiga xermooyinka Shidaalka Soomaaliya ayaa bilaabaya bisha Agoosto ee sanadkan wuxuna socon doona ilaa Maarso 2021

Mudo 8-sano gudahood rajadu waa in Soomaaliya laga soo saaro shidaal sida uu tilmaamay Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.