Daawo:Maxkamadda Ciidanka Jubbaland oo Fulisay Dil Sharci daro ah

kismaayo

Maxkamada Ciidamada Jubbaland ayaa waxay Magaalada Kismaayo ka fulisay Dil sharci daro ah oo loo Marin Nidaam iyo Sharci iyadoo go’aan ku gaartay 24 gudahood waana wax aan ka dhicin Dunida.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa waxay u fariisatay dhagaysiga gal dacwadeed eed loo haysto Cabdirashiid Cabdinaasir oo lagu soo eedeeyey dil fiidnimadii xalay ahayd ka dhacay magaalada Kismaayo.

Eedaysanahay ayaa lagu eedeeyay dilka marxuum Maxamuud Maxamed Sheikh Cabdulaahi oo isaguna ahaa askari ka tirsan ciidankailaallada madaxtooyada Jubbaland.

Maxakamada Ciidmada Jubbaland ee ka hawgasha Kismaayo ayaa waxay ku dhaqantaa Xeerka iyo Nidaamka Axmed Madoobe mana ahan markii u horeysay ee Bulshada Kismaayo dil aan Sharci iyo nidaam loo marin lagu fuliyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.