Karaash oo cambaareeyey weerarkii lala beegsaday guddoomiyihii gobolka Mudug

karaash

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” ayaa waxa uu ka tacsiyeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur iyo Ilaaladiisi oo si ismiidaamin ah lagu dilay maanta Gaalkacayo, isagoo ku guda jiray gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa.

Madaxweyne ku Xigeenka Puntland ayaa waxa sheegay inuu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

Ugu damabayntii Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” ayaa si kulal u cambaareeyey dilka lala beegsaday Guddomiyaha iyo Xarunta Gobolka Mudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.